Friday, January 13, 2017


Maanta Oo Ku Beegan Maalinta Xuquuqda Qoraalka (Copy right)

Markii ay kordheen daabacaadda noocyadeeda kala duwan ee buugaagta xambaarsan mowduucyo kala duwan ayaa la sheegaa in uu curtay fikirka ah xuquuqda daabacaadda oo afka Ingiriisiga lagu yiraahdo (Copy right) Sanadku markuu ahaa 1436
Waqtiga aan joogno oo ay horumar ballaaran samaysay tiknoolajiyadda casriga ah ayaa noqday xilli si  fudud loo kala xadayo qoraalada iyo suugaanta codka ah oo gambad iyo sharci qabasho midna aysan muuqan.
Adeegsiga hindise maskaxeed qof kale sida qoraal amaba sameynta muuqaal leyska qaato iyadoo aan lagu xusin howl qabtaha xilligaas ayaa lagu  sheegaa minguurin aragti qof kale.
Soo ifbixidda adeegsiga baraha bulshadu ay ku kulanto ayaa ugu badan goobaha laga adeegsado qoraallo iyo muuqaal aan intooda badan xigashadooda la sheegin iyadoo dadka adeegsada badankood qoraalladaas ay sheegtaan iney ka soo maaxatay maxkaxdooda.
Badankood dadku waxa ay u shaqeeyaan siyaabo kala duwan sida in magaca iyo wax dheef midood lagu helo howl qabadkoodii balse dadka la qaato qoraaladooda isla markaana aan la magac dhabin waxaa la sheegaa in niyad jab ay ku keento wax soo saarkoodii qoraal ama hindisa maskaxeedkoodii.
Axmed Sheekh Cali Axmed Buraalle waxa uu wax qorayey ku dhawaad 50-sano  iminka ayuu ka cabanayaa buugaagtii uu diyaariyey oo xigasho la’aan leysaga qaadanayo
Run ahaantii buugaagta aan qoro dhaqanka ayey intooda badan ka hadlaan waxaana hadda aan qaati ka taaganahay dad u badan ajaanib iyo Soomaali isbiirsaday oo si xushmad la’aan ah u qaata buugaagteyda magacaygana kuma xusaan waxaana ay arrintaas ay u muuqataa xad gudub leygu hayo shaqsiyan’’ ayuu yiri Axmed Buraale
Siyaaba kala duwan ayey ku tusaaleeyaan dadka qaata qoraalada aan lagu sheegin maskax maalka diyaariya.
Cabdulaahi Maxamed waa bare Muqdisho ka hawlgala inta badanna duruusta uu bixiyo kala soo baxa internet-ka
Ardayda aan waxbaro duruusta aan siiyo waxaan badankood  kala soo baxaa Internet-ka magac ahaan dadka buugaagta aan la baxayo qorayna kuma xuso oo ma baro ardayda waxaana cashiradaas bixiyaa iyadoo ardaydu ay u heystaan inaan soo qoray’’ ayuu yiri Macalin Cabdullaahi
Aragtida laga qabo qaadashada fikir qof kale oo aan haddana la xusin shacabku waa ay ku kala aragti duwan yihiin dadka qaar ayaa u arka tallaabo iska caadi ah halka kuwa kalena ay yihiin dad wax fahma oo dareen ahaanna qaba iney tahay xad gudub lagu hayo qalin maalka Soomaalida, niyad jabna u keeni karaya soo saaristooda ku aadan hal-abuurka
Maxamuud oo shacabka Muqdisho ka mid ah, in qoraallo ama buugaag leyska qaato xusid la’aan waxaan u arkaa in lagu xad gudbay muruq, maskax iyo maal dadeed”
Nimco oo shacabka Muqdisho ka mid ah ayaa iyana tiri “aniga waxay ila tahay arrin aan wanaagsaneyn talaabada lagu xadayo aragtiyaha dadka wax qora waxaana kuba talin lahaa in dadkaas maxkamad la soo taago’’
Sharcigu waa kala hagaha bulsho kasta oo meel ku wada nool waxaana dalkeena ka jira maxkamado siyaaba kala duwan u shaqeeya oo kala saaridda dadweynaha ku hawlan
Haddaba dalkeenu ma leeyahay sharci kala xadeynaya bulshada iyo dadka wax qora si loo ilaaliyo xuquuqda maskax maalka
Mar kale ayaan weydiiyey Axmed Sheekh Ali Axmed Buraalle oo todobaatameeyadii ahaa  khaali maxkamadeed ee dowladdii xilligaas jirtay.
Sharciga maxkamadaha kaga yaalla iska qaadashada qoraallo aan diyaariyihii lahaa lagu sheegin waxaa ka mida in la xukumo qofkaas haddiiba arrinkaas lagu helo iyo in mag dhow laga qaado ruuxii falkaas aan wanaagsaneyn ku kaca’’ waxaa sidaas inoo sheegay Axmed Buraale oo Todobaatameeyadii khaali maxkamadeed ahaa.
Si loo dhiirigeliyo qoraaga iyo hal abuuraha wadamada horumaray waxaa la sheegaa in ay jiraan maxkamado arrimahaas dadka ku kaca lala tiigsado waxaana sidaas himmad ku sii yeelanaya qoraa iyo hal abuure waliba oo haysta waddan ama qaarad laga tixgeliyo aragtidiisa.
Si loola dagaalamo dadka qoraalada xada waxa dunidu ay soo saartay habab badan oo lagula dagaalami karo dadkaa sida in la dacweeyo, in qoraalada copiga laga xiro iyo in lagu sharaxo buugaagta qoraallo cadeeynaya cidda qoraalka is kaleh.
Intaas oo dadaallo ah iyadoo ay jiraan haddana laguma guuleysan in la hakiyo burcadda qoraalada boobta.
Waxaa jira waddamo badan oo aan saxiixin ilaalinta xuquuqda qoraalka kuwaas oo u arka haddey saxiisaan in ay dhibaato u keeneyso muwaadiniintooda maadama dalalkaasi aysan haysan dhaqaale ay wax ku qoraan.
Dalkeenuna waxa uu ka mid yahay waddamada aan saxiixin coppy right inkastoo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqada qoraalka oo ay aqoonsan tahay qaramada midoobay uu qabanayo.
W/Q:- Cali Aadan Muumim
Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News

Farqiga u Dhaxeeya Qorayaasha Da’da Yar Iyo Kuwa Waayo Joogga Ah

Inaad qorto Buug Ama maqaal dadka raali galiya waxa ay u baahan tahay dadaal dheeraad ah oo Sanadahan dambe waxaa soo kordhay dhallinyaro dhiiranaan Buug qoris la imaanaysa.
Inta la xasuusto Taariikhda Soomaalida waxaa barbar taagnaa buug qoris iyo Xusuus uruurin lagu keydiyo qaab qoraal ah.
Baraarugga Buug qorista ee dhlalinyaradu waxaa la sheegaa in uu kobcay wixii ka dambeeyey bishii Siddeedaad ee laba kun shan iyo Toban oo bandhig Buugeedkii ugu horeeyey Muqdisho lagu qabtay tira dhallinyara ahna ay ka qeyb galeen.
Dalka kama jirto Madbacad qaran oo Saacidaysa dhallinyarada Sanadahan dambe qoraalka ku dhiiranaya, Sidoo kale waxaa kaalinteedu ay maqan tahay dowladda Si guud maadaama aysan jirin Cid kontorooleysa Qoraha Buugga oo xitaa waxaa laga yaabaa in hab qoraalkiisu uusan ahayn mid uu maskaxdiisa ka dhalaaliyey.
Cali Macalin Yuusuf Cali waa Qoraha Buug dhawaan lagu Soo bandhigay Muqdisho Waxaa lagu magacaabaa Gayaan iyo Gacal Kaab Bandhigiisii ka hor waxaa Soo wajahay caqabado dhowra.
Waxaan qoraayey mudo Hal sanad ah Buugga gadaal ayaan ka faafaahin doonaa balse caqabadaha ugu waaweynaa ee isoo wajaha waxaa ka mid ahaa in la qaatay Cinwaanadii aan Buugan u dooray Anigoo la wadaagay saaxiibada Facebook, si ay uga tala bixiyaan balse ugu dambeyn waxa uu ku soo baxay Buugaygu magacan ah Gayaan iyo Gacal Kaab halkaas waxa aad ka dheehan kartaa in dalkeena aysan ka jirin sharci ilaalinaya xuquuqda qofka iyo Qoraalkiisa’’
In lagu dhiiri galiyo waxa ay qeyb ka tahay gaarida halka aad hiigsanayso Balse Cali Macalin Yuusuf Cali ma helin guubaabin qoraalkiisa la xiriirta.
Caqabadaha kale ee Buugan iga Soo wajahay waxaa ka mid ahaa dhalinyarada iyo dadyoowga Soomaalida oo qaba inaan wax la qori Karin oo aniga ayeyba niyad jab ay igu rideen, waxa ayku leeyihiin maxaad qoraalkan isugu daalinaysaa iyo Ereya kale oo aan qoraaga iyo niyadiisaba u rooneyn’’
Intaas oo idil iyadoo ay la gudboon tahay dhalinyarada Buugaagta qorta hadana sidii la rabay looguma dhiirado in iibsado guugaagtooda.
Mid ka mida dadka jooga Goobaha Buugaagta lagu iibiyo ayaan weydiiyey Sababaha loogu dhiiran waayey in la iibsado Buugaagta dhalinyaradu ay qoraan.
“Walaal Buugaagta la iibsado waxaa u badan kuwa Taariikhda ka hadlaya dhalinyarada hada wax qortaahina ma isku dayaan iney taariikhda wax ka qoraan waxaana inta la iibsadaa Buugaagta ay qoraan dad yoowga magaca Bulshada ku dhex leh.
Tusaale waxaa la iibsadaa Buugaagta Maax uu qoray waxa kale oo la iibsadaa Buuga orom, u hiilli Ubadkaaga oo kale iyo wixii la Mida’’
Iibsiga buugaagtu waxa Ay u badan yihiin kuwa Taariikhda ka hadlaya Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax ayaa qaba in hadii dhalinyaradu ay buugaagtooda u dooraan Cinwaan Wanaagsan lagu dhiiranayo iibsigooda.
‘’Baahida bulshada ee dhanka buugaagta in la baaro waa arrin wanaagsan Su’aasha Goobjoog na waa ay fiican tahay in laga jawaabo, aan u daadago jawaabta Buugga waxaa lagu iibsadaa Saddex wax yaabood oo ay ka mid tahay 1,Buugga Kafarkiisu in uu qurux badan yahay iyo Ciwaankiisa waa lagu iibsadaa 2, waxay kaloo Buugga Dadweynuhu ay ku iibsadaan dulucda uu Xambaarsan yahay iyo Qodobka Saddexaad oo ah in qoraagu Buuggu uu magiicsu yahay mid bulshadu ay wada garanayaan marka waxaan ku talinayaa in qoraalka la xaqiijiyo.’’
Da’ahaan dhallinyarada Buugaagta qorta aad ayey u yar yihiin sharciga ama qaanuunka wax qoristu ma ogol yahay qof aan waaya aragnimo la hayn inuu qoro Buug matala Bulshada Waa kan mar kale Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed.
“Qofku markuu wax qorayo waa Macallinka oo kale waana uu ka sii Saameyn badan yahay maxaa yeelay macallinku dad ku jira Hal qol ayuuba wax u sheegayaa balse Qoraagu waxa uu wax u sheegayaa Bulsha dhan marka waxaa la rabaa in qofku markuu wax qorayo uu gaaro ugu yaraan Soddon Sanadood taasina waxa ay suura galinaysaa in qoraagu uu helo magac iyo Da’isla Socota  Balse waxaan hubaa iney dhallinyaradu ay dadaalayaan oo ay dhabar adeyg muujinyaan xilligan la joogo’’
Waa hubaal in haddii la helo goob lagu Tifaftiro Wax soo-saarka qoraaleed ee dhallinyarada ay soo baxayaan Buugaag lagu kalsoonaan karo waa marka la eego macluumaadka ay gudbinayaan.
W/D: Cali Aadan Muumin
Tifaftirey: Bashiir Maxamuud Wehliye
Daabacay: Maxamed Abukar Kulmiye
Goobjoog News


Hodantinimada Dhulka Hooyo

Dhulkeena Hooyo iyo hodantinimadiisu waxay u muuqataa mid aan laga faa’iideysan marka loo eego sida dhallinyaradeenu ay u dhibaatoonayaan oo dalka looga cararayo.
Hagaagsamida hodantinimo dhulka hooyo abwaaniin fara badan ayaa horay sugaan ugu cabiray waxaana hubaal ah in dalkeenu hodan yahay balse aysan muuqan cid ka faa’iideysata.
Qeyb waxaa ka ah dalkeena waxyaabaha uu hodanka ku yahay beerashada dhulka iyo ku dhaqashada  xoolaha oo dhulka Soomaalida lagu sheego meel aad u udgoon badan iyo halka uu qaaradan Africa kaga yaallo oo ah meel aad u wanaagsan.
Horumarin dhuleed,in laga faa’iideysto dalka iyo wax yaabaha uu hodanka ku yahay intaba  waxaa masuuliyaddiisa dusha u ritay dowladda waa marka laga eego awoodda wadanka ay ku dhex leedahay.
Baaxad ahaan dalkeena waxaa la sheegaa in  dhul ahaan uu ka weyn yahay   waddamada       France, Kenya, iyo Yemen waxaadna halkaas  aad ka dheehan kartaa in kheyraadka dalka ku jiraahi uu baaxadiisana wato.
Wadankeena Soomaaliya waxaa lagu Tiriyaa inuu yahay waddanka 42 ee dunida  ugu weyn markii laga reebo dhulka Itoobiya iyo Kenya ay ka taliyaan.
Ugu horeyn bal aan wada dhageysano dhulkeena Hooyo magacyada uu leeyahay meelaha ku wanaagsan beerashada iyo ku dhaqashada xoolaha.
‘’Dabeecada dhulka halkaan waxaan idinkaga soo gudbinaynaa ilaa iyo todoba dabeecadood oo kala ah:-Waxaa jira dhul la yiraahdo Sool waa dhul oomane ah waxaa ku dhaqma Meesiyada,waxaa jira dhul la yiraahdo cadiid waa dhul banaan  ah,dhagax dhul la yiraahdo ayaa jira waxa uuna dhulkaas uu u baxaa si buuraley ah,waxaa jira dhul la yiraahdo dooxaar dhulkaasna waxaa ku dhaqmi kara duunyada,waxaa isaguna jira docaale waxaana ku dhaqmi kara dad iyo duunyaba,waxaa jira dhul la yiraahdo buur waxaana  goobahaas ka mida buuraha gobolka sanaag,waxaa jira dhul la yiraahdo aloon,Waxaa jira Dhul la yiraahdo caymooy ,waxaa jira dhul la yiraahdo gowraan waxaana ku dhaqma geela iyo Arigaba’’ guud ahaan dhulkaas iyo kheyraadkiisaba dadkeenu waa kaas ay qaxa kawada  yihiin.
Hadaba wasaaradaha iminka shaqeeya ee farta ku fiiqa kheyraadka dalka waxaa ka mida Wasaaradda batroolka Iyo macdanta ee xukuumadda Soomaaliya taa oo dadaal ku bixisay baaritaanka shidaalka habboon ee la rabo in looga faa’iideeyo dadka iyo dalka.
Faarax Cabdi Xasan  waa masuul ka tirsan wasaaradda batroolka Soomaaliya waxa uu sharaxayaa wasaaradda batroolka,kheyraadka ay sahmisay iyo haddii laga faa’iideystay.
‘’wasaaradda waxaa lagu aas-aasay shaqaale 18-ruux ah waxaadna aad dareemi kartaa wasaarad dhan oo quburo la’aan shaqeysa ineysan sii tag roonaaneyn,marka dhamaan shaqaalaha wasaaraddu waxa ay dadaal ugu jiraan tan iyo markii ay shaqada bilaabeen sidii shidaalka dhulka hooyo uu leeyahay dadka waddanka iyo dibaddiisaba jooga loogu faa’iideyn lahaa waa dadaal aanan la hakin doonin ila laga mira keeno’’Ayuu yiri Faarax Cabdi Xasan  oo ah  masuul ka tirsan wasaaradda batroolka Soomaaliya.
Marka laga tago dhallinyarada dalka ka tagaysa ee u arka in dalkani uusan wax soo saar la hayn haddana waxaa jira dhallinyaro dalka wax ku baratay qanacsanaasho nafeedna qaba.
Kheyraadka dalka in laga faa’iideysto waxaa marin u ah in la helo goobo waxbarasho oo manhajkoodu hufan yahay  walow dadaalo badan ay jiraan.
Kuliyadaha jaamacadaha dalka laga barto ee habboon in la muuqaal tusaaleeyo waxaa ka mida kuliyadda beeraha oo in badan la xiriirta kheyraadka dalkeena.
Aamina Cabdullaahi Cismaan waxa ay ka mid tahay gabdho ka kala tirsan jaamacado gaaraya illaa iyo Sagaal jaamacadood oo Muqdisho ku yaalla.
Waxa ay Aamina iyo ururka ay ka tirsan tahay ay sameysteen beer  ay ka hirgeliyeen qiyaastii Afgooye meel u jirta 10Km Si waxbarashadooda ay gacan qabad ugu bedelaan oo dadka aan waxbaranna ay u tusiyaan habka dalka kheyraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.
“waxaan beer yar oo mac mal ah aan ka hirgelinay qiyaastii Afgooye meel u jirta 10Km  waxaana nagu deeqay qoys beeraley ah oo deegaankaas degen ujeedadeenu waxa ay ahayd sidii aan dadka wax bartay iyo dadka kale ee howsha beerashada gacanta kula jiraahi ay isku kaashan la haayeen waxaana  had iyo jeerba aan ku dadaalnaa sidii dalkan kheyraadkiisa aan dadka u bari lahayn in laga faa’iideysto, xaqiiqa ahaan walaal dalkan gebi ahaantiisaba waa wada kheyraad  dadkeenuna waa kuwaas qaxootiga ka wada ah’’Sidaas waxaa Goobjoog News u  sheegtay Aamina Cabdullaahi Cismaan oo ka tirsan ururka gabdhaha ee beeralayda Soomaaliyeed.
Waxaa hubaal ah in beerasho maanta aad sameyso ay raasumaal berri kuu noqonayso xilliga aad howshaas ka qabatay ka dib,Soomaaliduna waxa ay ku mah-maahdaa geedkaad labaatan jir aadku waabato ayaad Lixdan jir harsataa.
W/Q: Cali Aadan Muumin
Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News